War murtiyeed kasoo baxay jamhada oromada ee ONAG

War Murtiyeed Daqiiqado kahor kasoo baxay Jamhada oromada ee OLF/ ONG


Gudoomiyaha Jamhada ONAG mudane Dawit Ibsa oo daqiiqado yar kahor saxaafada dalka lahadlay ayaa sheegay inay dawlada Itoobiya dagaalo iyo dhibaatooyin kawado gobolada Shawa gaar ahaan salale, gobolka Baalee, gobolka Guji iyo gobolo kale oo ay dhibaatayntu mar walba joogto utahay.

Mas’uulka ayaa markaa sheegay sidatan, “waxaan ciidamada OLF Ama ONAG amar kusiinay in goobaha ay joogaan hadii lagu soo weeraro ay isdifaacaan taasoo uu macnaheedu yahay kali ah wixii kusoo weerara iskaceli, haseyeeshee maalintii shalay war murtiyeedkii kasoo baxay Xisbiga Talada deegaanka oromada haya ee ODP wuxuu ahaa dagaal oogid waxayna ku xad gudbeen heshiiskii aanu kugalay Asmara”.

Waxaa kale oo uu sheegay mudane Dawud in mar walba jamhadiisa lagu eedeeyo inay yihiin dad neceb wadajirka qoomiyadaha balse “taasi waa been abuurasho cad” ayuu yidhi gudoomiyuhu.

Dawud Ibsa oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi, “waxa ay nagu eedeeyeen qaraxii dhawaan kadhacay Gobolka wallega balse anagu wax miino ah mahaysano oo heshiiskii aanu kugalay dalka Ereteriya waxa uu ahaa in xabad joojin aanu samayno islamarkaana 13,00 ee askarta OLF ah in si fiican loo garab istaagayo balse dawlada talada haysa waxa ay jabisay heshiiskii noo dhexeeyay,

Marka, hadaan nahay Jamhada OLF marnaba ma aqbalayno in qaraxii miinada nalagu eedeeyo,

Waxaad sheegteen in hal miino laqarxiyay balse waxaan idiin sheegaynaa inaysan Jamhadu wax miino ah aysan haysaninna, waxaadna ogaataan inay jirto 40 qarax oo dhici doona dhawaan oo aanu Kawar helay balse aan wali lafulinin,

Mas’uulka ayaa wuxuu hadalkiisii kusoo xidhay, “Waxaanu wada ogsoonahay inay Jawar Mohamed iyo Baqala Garba ay dhawaan booqdeen Gobolka wallega oo ay bulshada qaybaheeda kaladuwan lakulmeen balse dhinaca dawlada waxba kama hayno”.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.